WARARKA SOOMAALI

Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka oo Amar culus kusoo rogay Wasiirada xilgaarsiinta

By xuseen waashitoon

July 19, 2022

Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo in hey’adaha dowladda Soomaaliya ay galaan heshiisyo waa wayn, inta laga ansixinayo Xukuumad rasmi ah.

War-saxaafadeed uu soo saaray Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Maxamed Cali Afhooye ayaa lagu sheegay in Xafiiska hanti dhowrka uu ka hortegay heshiisyo ku kacayay malaayiin dollar oo saameyn dhaqaale oo taban ku yeelanayay dalka.

Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka wuxuu ka warhelay in qaar ka mid ah Hay’adaha DFS ay billaabeen qorshaha hannaan lagu meelmarinayo dhaqangalinta heshiisyo waa wayn (concession contracts) oo ku kacaya malaayiin doollar kuwaas dalka ku yeelanaya saamayn dhaqaale oo taban.

Xafiiska ayaa ka hortagay isla markaasna joojiyay heshiisyadaas isaga oo ku wargaliyay dhammaan Hay’adaha Dowladda in aysan gali karin heshiisyo inta laga helayo Xukuumad rasmi ah oo xilka la wareegta.

Ugu danbayn, Xafiiska ayaa arrinkan horay uga soo saaray warqad uu ku joojiyay gelitaanka heshiisyada waa wayn inta lagu guda jiro waqtiga.