Site icon HORUFADHI MEDIA |

Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir oo ka hadlay Dilka Marxuum Faarax

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa ka hadlay geerida Guddoomiyihii deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Magaalada Muqdisho, kaasi oo Maanta lagu dilay qarax Miino oo lala eegtay.

Yuusuf Madaale oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku cambaareeyay falka lagu dilay Guddoomiyihii Garasbaaleey Maxamed Abuukar Faarax oo u geeriyooday dhaawac kasoo saaray qarax lagula beegsaday deegaankii uu maamulayey.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa tacsi u diray Qoyskii, Eheladii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuum Maxamed Abuukar Faarax oo laba bil haayay xilka Maamulka deegaanka Garasbaaleey.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxa lala beegsaday Marxuum Maxamed Abuukar Faarax ee dhaawac markii hore kasoo gaaray u geeriyooday.

Exit mobile version