WARARKA SOOMAALI

Guddoomiyihii Guddiga Doorashooyinka heer Federaal oo xilka qaadis lagu sameeyay

By xuseen waashitoon

April 01, 2022

Xubno ka tirsan Guddiga doorashada Federaalka ayaa shaaciyey iney kalsoonidii kala laabteen Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Muuse Geelle Yuusuf.

Qoraal ay soo saareen xubno ka tirsan Guddiga ayaa waxaa lagu eedeeyay Guddoomiye Geelle inuu gudan waayay waajibaakiisa shaqo, isla markaana uu diiday inuu ka qeyb galo shirarka Guddiga.

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in shaqada Guddiga doorashooyinka heer Federaal ay la wareegeen Xafiiska Ra’iisl Wasaare Rooble, ayna faragelin ku hayaan doorashada dalka.

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa xalay shaaciyay Liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamanka 11-aad, waxaana la reebay Xildhibaano la doortay oo kasoo kala baxay Maamulada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.