Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliso Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa waxay kulan muhiim ah la qaateen danjiraha dalka Talyaaniga Amb. Alberto Vecchi.
Danjiraha ayaa xusay kaalinta ay ku leedahay Talyaaniga mashaariicda horumarineed ee wadamada EU-da ka fuliyaan dalka, ahmiyad gaar ahna siin doonaan wada shaqaynta Golaha sharci dejinta.
Sidoo kale inta uu kulanka socday ayaa waxaa uu Safiirka dalka Talyaaniga ee Soomaaliya uu soo hadal qaaday in dowladda Talyaaniga ay soo dhoweyneyso gabadhii ugu horreysay oo noqata Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka.
Guddoomiyaha ayaa ammaanay doorka horumarineed ee lama ilaawaanka ah ay ku leeyihiin dowladda Talyaaniga Dowlad dhiska dalka in uu yahay mid soo jireen ah oo Taariikh facweyn ku leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.