WARARKA SOOMAALI

Guddoomiye Mursal oo ku dhawaaqay War Culus, xili uu taagan yahay Muaran

By Xuseen Post

December 12, 2020

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa mar kale Maanta oo sabti ku celiyay in Baarlamaanka Soomaaliya uu sii shaqeyn doono, xili muddo xileedkoodu uu wax yar ka hrsan yahay.

Guddoomiye Mursal ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu sii shaqeynayo inta laga helayo Baarlamaan bedela midka uu hada hogaamiyo, isla markaana la dhaarinayo Baarlamaanka 11-aad.

“Si aysan u dhicin firaaq ku yimaada Sharciyada iyo jiritaanka Hay’adaha dastuuriga ah ee dowladda Baarlamaanka 10-aad oo awoodihiisa dastuuriga ah u dhameystiranyahay ayaa xilkiisa sii haynaya ilaa iyo maalinta la dhaarinayo xildhaanada loo soo doorto Baarlamaanka 11-aad” ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Mursal.

Hadalkaan ayuu Guddoomiye Mursal ka sheegay kulan Maanta Xildhibaanada Golaha Shacabka ku yeesheen Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo ajendihiisu ahaa Akhrinta koowaad ee Miisaaniyadda dowladda sanadka soo socda ee 2021-ka iyo Akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dhiirigalinta Maalgashiga.

Golaha Shacabka ayaa bilihii lasoo dhaafay aan yeelan kulan, xili Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu sheegay in la dardar-gelinayo kulamada Golaha ay yeelanayaan.

Hadalkan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa kusoo aadaya iyada oo weli khilaaf xoogan uu ka taagan yahay Guddiyada doorashada ee la magacaabay, isla markaana Musharaxiinta ay magacaabeen Guddi Doorasho.