WARARKA SOOMAALI

Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Baarlamaanka oo Goor dhow la doortay

By xuseen waashitoon

April 26, 2022

Waxaa goordhaw soo dhammaatay tirinta codadka wareegii labaad ee doorashada Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Gollaha Aqalka Sare ay ku tartamayeen labo Musharax oo kala ahaa Cabdixakiin Macalin Axmed iyo Cali Shacbaan Ibraahim.

Doorashadan oo aheyd mid adag ayaa wareegii koobaad  noqotay mid labada musharax ay ku kala bixi waayeen ayna isla aadeen wareeg labaad, waxa ayna labada Musharax mar kale galeen olole aad u xooggan.

Wareega labaad ee doorashada ayaa waxaa ku guuleestay Senataro Cali Shacbaan Ibraahim oo helay 28-cod halka musharax Cabdixakiin Macalin Axmed uu isna helay 25-cod, waxaana halaabay hal cod..

Madaxda maamulada Galmudug iyo Hirshabelle oo laga soo kala doortay labadan senator ayaa olole xoogan u galay doorashada,