WARARKA SOOMAALI

Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare oo kulan la yeeshay Safiirka Talyaaniga

By xuseen waashitoon

May 05, 2022

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cali Shacbaan Ibraahim ayaa Xafiiskiisa Aqalka Sare kulan kula qaatay Safiirka Dowladda talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Alberto Vecchi.

Safiirka ayaa ugu horreeyn Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare la wadaagay dhambaal Hambalyo ah oo ku aadan Doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare oo dhawaan loo doortay Cali Shacbaan Ibraahim.

Guddoomiyaha iyo Safiirka ayaa bogaadin kadib ka wada hadlay arrimaha Doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya iyo sidii loo dedejin lahaa si dalku u helo xasilooni siyaasadeed.

Sidoo kale ayaa waxaa ay ka wada hadleen in la xoojiyo iskaashiga labada dal iyo gaar ahaan sidii labada baarlamaan u yeelan lahaayeen xiriir wada shaqaynayd iyo isweydaarsi xirfadeed.