WARARKA SOOMAALI

Guddoomiye Cali Jeyte “Waa bilowday wejiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah AS”

By xuseen waashitoon

April 06, 2023

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo ay wehliyaan saraakisha Ciidamada qalabka sida, Taliyaha qeybta 27-aad Gen. Tawane Axmed Gureey iyo Taliyaha guutada 5-aad Col Bakaay ayaa ku dhawaaqay inuu Maanta deegaanada Hirshabeelle ka bilowday wejiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa waxa uu sheegay in howlgalo xiriir ah oo socday lagu xoreeyay deegaano dhaco Koonfurta magaalada Beledweyne oo Al-Shabaab ay kaga soo gudbayeen wabiyada, si ay dadka u dhibaateeyaan.

Wuxuu tilmaamay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan in deegaanada laga xoreeyey Shabaab ay ka sameeynayeen weeraro oo ku dhufasho ah, Ku dhawaad Ilaa 10 doomood ayey ciidamada qalabka sida iyo Dadka deegaanka burburiyeen, kuwaasi Shabaabka ku isticmaalayeen isaga kala gudbida Webiyadda.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan ayaa xusay in howlgalkan dib u hubinta Amniga loo gudbi doono deegaanada galbeedka Hiiraan oo ah meesha ugu dambeysa ee Al-shabaab ay Isku dayayaan ineey isku dhajiyaan, waa sida uu hadalka u dhigay.