WARARKA SOOMAALI

Guddoomiye Aadan Madoobe oo kusii jeeda Degmo ay Go’doomiyeen Al-shabaab

By xuseen waashitoon

December 12, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Niuur Madoobe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin Gobolka Bakool gaar ahaan degmada Xudur ee Xarunta Gobolkaas.

Ujeedka Guddoomiye Aadan Madoobe ee Xudur ayaa waxaa uu yahay sida la tilmaamay u kuurgelida xaaladda guud ee degmada iyo la kulanka Saraakiisha ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa xoogga dalka ee ku sugan halkaas.

Saraakiisha ayuu Guddoomiyaha Golaha Shacabka kala hadli doonaa bilaabida howlgalo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab oo muddo dhowr sanno ah Go’doomiyey degmada Xudur iyo deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Bakool.

Shalay ayaa waxaa degmada Xudur gaaray wafdi horudhac u ah safarka Guddoomiyaha, waxaana hadda Magaalada Xudur ka socota qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Guddoomiye Aadan Madoobe.

Ammaanka degmada ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay, waxaana iska kaashanaya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed ee halkaas jooga, iyadoo la xiray inta badan waddooyinka magaalada.