WARARKA SOOMAALI

Guddoomiye Aadan Madoobe oo kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Qatar ee Somalia

By xuseen waashitoon

March 09, 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee Dawladda Qatar u fadhiya dalka Soomaaliya Amb. Dr. Abdalla bin Salim Alnuimi.

Kulanka Safiirka iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ahaa mid ku saabsan isbarasho iyo kala warqaadasho.

Kulanka ayaa waxaa inta uu socday looga hadlay xiriirka iyo wadashaqeynta labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Qatar, iyo sidii dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar ay kaalin uga qaadan laheyd tayaynta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa xusay in dowladda iyo shacabka Qatar ay kaalin weyn ka soo qaateen dib u soo kabashada dalka, iyadoo wadanka ay ka fuliyeen mashaariic horumarineed oo wax ku ool ah.