WARARKA SOOMAALI

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Guddi gaar ah u xil-saaray xaaladda Laascaanood

By xuseen waashitoon

January 03, 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay guddi gaar ah oo warbixin kasoo diyaariya shaqaaqooyinka ka socda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa lagu magacaabay Guddigaan oo kooban 10-xubnood, kuwaasi oo dhammaantood ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Ujeedka loo magacaabay Guddiga ayaa ah inay warbixin kasoo diyaariyaan xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood, taasi oo sababtay in dad shacab ah oo aan waxba galabsan ay si arxan darro ah u xasuuqeen ciidamada Booliska Maamulka Somaliland.

Xubnaha Guddiga ayaa waxaa la faray inay si deg deg u howl bilaaban, Laascaanood ayaa waxaa ka taagan xaalad adag, waxaana halkaas ka socday banaanbaxyo xooggan oo ay wadaan dadka deegaanka, isla markaana kasoo horjeeda Maamulka Somaliland.

Hoos ka Akhriso magacyada xubnaha la magacaabay