WARARKA SOOMAALI

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Federaal oo Xoghaye cusub magacaabay

By xuseen waashitoon

February 15, 2022

Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf ayaa xilka Xoghayaha guud ee GHDHF u magacaabay, Cabdiraxiim Cabdicasiis Aadam, kadib wareegto kasoo baxday xafiiska Guddoomiyaha Guddigaas.

Guddoomiye Muuse Geelle Yuusuf ayaa sidoo kale Xoghayihii hore ee Guddiga doorashada heer Federaal Cabdishakuur Daa’uud Maxamed u magacaabay u magacaabay xubin ka mid ah Guddi hoosaadka hawlgalka doorashooyinka.

Magacaabista Xoghaye Cabdiraxiin Cabdicasiis ayaa waxaa la Ogeysiiyay Guddiyada doorashooyinka maamul Goboleedyada, Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Madasha Wadatashiga Qaran.