WARARKA SOOMAALI

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Dowladda

By xuseen waashitoon

May 03, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa isugu yeeray dhammaan saraakiisha ugu sareysa ciidamada qalabka sida.

Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saaray inta uu socday xaaladda amniga doorashada dalka gaar ahaan tan Madaxweynaha iyo sidii qaab xasiloon loogu  soo gebaggeyn lahaa.

Saraakiisha ciidanka ayaa looga  digay in aysan ku milmin siyaasadda, amniga doorashadana ay kaga amar qaataan Gudoomiyaha Golaha Shacaka inta lagu jiro marxaladda kala guurka illaa uu dalka ka yeelanayo Madaxweyne.

Saraakiisha laamaha amaanka ayaa dhinacooda ka waramay qorsheyaasha ay ugu talo galeen sugida  amniga doorashada, iyagoo balan qaaday iney dedaalkooda xoojin doonaan.