WARARKA SOOMAALI

Guddoomiyaha G/Hiiraan oo si kulul uga hadlay dilal ka dhacay Magaalada Baladweyne

By xuseen waashitoon

May 31, 2022

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa si kulul uga hadlay dilalkii qorsheysnaa ee dhawaan Magaalada Beledweyne loogu geystay, Mas’uuliyiin, Askar iyo Odayaal dhaqan.

Guddoomiyaha oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Beledweyne kadib muddo uu ku sugnaa Muqdisho ayaa sheegay in Magaalada Beledweyne ay ku bateen dilalka taasina ka maakul ahaan aysan aqbaleyn.

Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan oo si kulul uga hadlay dilalka ayaa sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in tacsi ay taallo Magaalada Beledweyne, isla markaana ka maamul ahaan ka jawaabi doonaan.

Hadalkaan kasoo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa daba socda dilal qorsheysan oo ka dhacay Magaalada Beledweyne, sidoo kalena laamaha Amniga Magaalada ay sameeynayeen howlgallo kala duwan.