WARARKA SOOMAALI

Guddoomiyaha G/Banaadir oo ballan qaad u sameeyay Guddiga Doorashada

By xuseen waashitoon

December 22, 2021

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xafiiskiisa xarunta aqalka Dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro.

Kulankaan dhexmaray Guddoomiye Cumar Filish iyo Guddoomiye Maxamed Cirro ayaa waxaa loogu hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa guud ahaan doorashooyinka golaha shacabka ee dalka ka socda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa u balan-qaaday Guddiga doorasho in ay kala shaqeyn doonaan wixii fududeyn ah ee ku aaddan Kuraasta doorashadooda ay ka dhaceyso Gobolka Banaadir.

Dalka ayaa xiligaan ku jira doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad oo muhiimsan qabashada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana dhawaan soo dhammaaday doorashada Aqalka Sare oo la doortay 54 Senator.