WARARKA SOOMAALI

Guddoomiyaha Degmo ka tirsan Shabeellaha Hoose oo shaqada laga joojiyey

By xuseen waashitoon

June 03, 2022

Wasaaradda Arrimaha gudaha, dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaqo joojin ku sameeysay Guddoomiyaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose Abuukar Maxamed Cumar Muudeey.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir ku-xigeenka Arrimaha gudaha KGS Maxaad Maxamed Ciise ayaa shaqada looga joojiyay Guddoomiyihii degmada Afgooye oo lagu eedeeyay ku takrifal awoodeed,  amar diido iyo iska horkeen Maamulka dhexdiisa.

Sidoo kale Guddoomiye Abuukar Maxamed Cumar Muudeey ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu sameeyay magacaabis sharci darro ah, isla markaana uu waday howlo uu iskaga horkeenayo Maamulka degmada dhexdiisa, taasina ay keentay in shaqada laga joojiyo.