Site icon HORUFADHI MEDIA |

Guddigii Jubbaland uga qeyb galay Shirkii Baydhabo oo dib ugu laabtay Kismaayo

Guddigii Farsamada ee dowlad Goboleedka Jubbaland uga qeyb galay shirkii looga hadlaayay Arrimaha Doorashooyinka ee dhawaan ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo.

Guddiga oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugaan Muqdisho una joogay qaban qaabada shirka dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa la xaqiijiyay inay dib ugu laabteen Kismaayo oo markii horey ay ka yimideen.

Warar la helayo ayaa sheegaya in sababta Guddiga Farsamada ee Jubbaland uga tageen Caasimadda dalka ay tahay mid la xiriirta rabshadihii saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay  Magaalada, una dhexeeyay Ciidanka dowladda iyo kuwa daacad u ah Musharaxiinta.

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay inay ka fiirsanayaan ka qeyb galka shirka uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee dhacaya Muqdisho.

Madaxweyneyaasha maamulada Jubbaland, Puntland iyo Galmudug ayaan weli soo gaarin Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, waxaana haatan Magaalada ku sugan Madaxweyneyaasha Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle oo shalay iyo dorraad yimid.

Exit mobile version