WARARKA SOOMAALI

Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo hakiyey Natiijada kursigii ku fadhiyey Wasiirka Batroolka

By xuseen waashitoon

February 20, 2022

Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashada ayaa hakiyay ku dhawaaqista natiijada kursiga Golaha Shacabka HOP#45 oo maalmo kahor lagu doortay Magaalada Baraawe, uuna ku fadhiyey Wasiirka Batroolka Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa lagu sheegay in kusriga tirsigiisu HOP#45 ay dacwad kasoo gudbiyeen saddex xubnood oo uu ku jiro Wasiirka Batroolka, xili kursigaas uu kusoo baxay Maxamuud Axmed Maxamed oo la doortay.

Guddiga Khilaafaadka ayaa Guddiga doorashada heer Federaal iyo kuwa Koonfur Galbeed ka dalbaday inay hakiyaan ku dhawaaqista natiijada kursiga Golaha Shacabka HOP#45, ayna baaris ku sameeyn doonaan kursiga oo dacwad laga soo gudbiyey.

Wasiirka Batroolka Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa xalay sheegay inuu heshiis la galay shirkad, balse Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa buriyey heshiiskaas.