Guddiga Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka ayaa hakiyay ku dhawaaqista Natiijada saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland oo maalmo kahor lagu doortay Magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa lagu hakiyey Natiijada doorashada kuraasta tirsigoodu kala yihiin #HOP201 #HOP209 iyo #HOP211, kuwaasi oo dacwo laga soo gudbiyey, waxaana dacwada baaris ku sameeyn doona Guddiga.
Kursiga tirsigiisu yahay HOP#201 ayaa waxaa afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, balse dhawaan loo doortay Cabdullaahi Abiib.
Kursiga HOP#209 ayaa waxaa uu horey ugu fadhiyey Allaha u naxariistee Axmad Dhimbil Casoowe, waxaana maalma ka hor loo doortay Maxamad Xuseen Haadi.
Kursiga Sedaxaad ee tirsigiisu yahay HOP#211 ayaa waxaa afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhiday Caasha Koos, oo mar kale maalmo kahor dib loogu doortay, kadib doorasho ka dhacday Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.