WARARKA SOOMAALI

Guddiga Khilaafaadka oo diiday xilka qaadistii uu RW Roob ku sameeyay (WAR CULUS)

By xuseen waashitoon

December 18, 2021

War-Saxaafadeed ay soo saareen Guddiga Xallinta Khilaafaadka ayaa lagu sheegay in hannaankii loo maray xil ka qaadista xubno ka tirsan Guddiigaas uu yahay mid baal marsan heshiiskii 17 Sep 2020, iyayoo baaq u diray Madaxda Wadashariga Qaran si ay arrintaan uga bixiyaan jawaab u dhiganta.

Sidoo kale Guddiga ayaa Warka ay soo saareen ku sheegay in hannaanka saxda ah ee loo maro wax ka badalka xubnaha Guddiyada doorashada heerarkooda kala duwan inuu noqdo  Go’aan ay wada gareen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran.

Waxay sidoo kale canbaareyeen Wasiirka Amniga Gudaha C/laahi Maxamed Nuur oo ay sheegeen in uu kuusoo weeraray xaruuntoodi sidoo kalena ay kala kulmeen xayiraad, handadaad iyo caga jugleyn isagoo sidoo kale ku amray xubnihii guddigaas in muddo 1 saac ah ay uga guuraan xaruuntii guddigaas.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta xilka qaadis ku sameeyay 7 xubnood oo kamid ah Guddiga Xallinta Khilaafaadka, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay ku milmeen Arrimaha siyaasadda.