WARARKA SOOMAALI

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo ka shiray sharciga hay’adda NISA

By xuseen waashitoon

January 08, 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulanka 12-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo Maanta ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa looga ahdlay hindise sharciyeedka Hay’ada Sirdoonka iyo Nabsugida Qaranka iyo hindise sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaan gelinta dadweynaha oo loo yaqaan (National ID).

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo ka dooday hindise sharciyeedka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka iyo hindise sharciyeedka aqoonsiga iyo diiwaan gelinta dadweynaha oo loo yaqaan (National ID) oo ay xukuumadu soo gudbisay.

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa isla garteen in lageeyo Golaha, sidoo kale guddiga ayaa si qota-dheer uga dooday hirgelinta Xeer-Hoosaadka iyo  ilaalinta kooramka xildhibaannada.