Site icon HORUFADHI MEDIA |

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo laga wareejiyay Hotelkii ay deganaayen

Guddiga doorashada heer Federaal ee lagu muransan yahay ayaa laga raray Hotelka Decele ee ku yaalla gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, halkaas oo muddo todobaadyo ay degenaayeen.

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan helnay ayaa sheegaya in Guddiga la dejiyay dhismo ku dhow garoonka diyaaradaha, halkaas oo ay ku shaqeyn doonaan, sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan Guddiga.

Lama oga sababaha looga raray Hotelka Decale inay bilow u tahay qorsha la damacsan in xubno ka tirsan guddiga is bedel lagu sameeyo, kaddib markii dhowaan Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed uu sheegay in dowladda diyaar u tahay in hal iyo labo xubin inay guddiga ah is bedel ku sameeyaan.

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha ayaa siweyn uga horjeeda Guddiyadaas la magacaabay ee lagu muransan yahay, waxaana sidoo kale kasoo horjeeda maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa dhowaan shir isugu imaan doona, kaasoo looga arrinsan doono sida laga yeelayo guddiyada doorashada heer Federaal iyo heer dowlad goboleed ee lagu muransan yahay.

Exit mobile version