WARARKA SOOMAALI

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay Xildhibaanada maalintii 3-aad qaatay shahaadada

By xuseen waashitoon

April 04, 2022

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa Maalintii Saddexaad waxaa ay Shahaadada rasmiga ah ee Xildhibaannimo guddoonsiiyeen Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Guddiga ayaa Maanta waxaa ay shahaadada Xildhibaannimo iyo kaararka Aqoonsiga guddoonsiyay 18 Xildhibaan oo isugu jira Aqalka Sare & Golaha Shacabka, waxaana Magacyadooda ay kala yihiin.

1. Ibrahim Awgab Osman AS#06 2. Hassan Idow Mohamed AS#22 3. Nor Mohamed Gedi AS#18 4. Abdiwahab Abdi Omar GSH#270 5. Mohamud Abdullahi Ahmed GSH#006 6. Yusuf Ibrahim Afrah GSH#033 7 Abdullahi Mohamed Ali (Sanbaloolshe) GSH#058 8. Malik Ibrahim Abdalla GSH#66 9. Ifrah Mohamed Awed GSH#037 10. Abdillahi Bidhan Warsame GSH#235 11. Abdirahman Mohamed Mohamud (Faroole) AS#46 12. Fardowsa Osman Egal HOP#232 13. Saredo Mogamud Hassan (Jeyte) AS54 14. Deqo Hassan Hussein AS#43 15. Maxamed Deeq Barre Cumar (Fiyoore) GSH#008 16. Abdisamad  Yusuf Mohamed AS#52 17. Mohamed Bashiir Ali GSH#083 18.Hirsi Jama Ganni GSH#223

Guddiga ayaa u mahadceliyay Xildhibaanadii Labada Aqal ee Saddexdii Maalmood ee la soo dhaafay qaatay shahaadada, waxaan sidoo kale ku boorriyeen Xildhibaanada aan wali qaadan inay dhowraan Jadwalka dhammeystirka Doorashada, ayna yimaaddaanna Xarunta Guddiga FEIT ee Airport Hotel.