WARARKA SOOMAALI

Guddiga Doorashooyinka oo Go’aan cusub kasoo saaray kuraasta la hakiyey

By xuseen waashitoon

April 06, 2022

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa Go’aan cusub kasoo saaray afar kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee la doortay oo dhawaan shaaciyeen Guddiga in la hakiyey kuraastaas oo mid kamid ah kusoo baxay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga doorashooyinka ayaa waxaa lagu Go’aamiyey in dib loogu noqdo doorashada dhammaan kuraastan, si loo saxo habraacii qaldamay, kuwaasi oo doorashooyinkooda lagu qabtay maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed .

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa sheegay inay dib ka shaacin doonaan qabashada doorashada afarta kursi ee la hakiyey, goorta iyo goobta lagu qaban doono, iyada oo la tixraacayo habraacii doorashadii 2016kii.