WARARKA SOOMAALI

Guddiga Doorashada Banaadiriga oo shaaciyay Jadwalka Doorashada shanta kursi

By xuseen waashitoon

February 17, 2022

Guddiga Maamulka doorashooyinka Banaadiriga ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada dhamaan kuraasta Golaha Shacabka ee doorashadooda lagu qabanayo Magaalada Muqdisho, kuwaas oo la ogeeysiiyay Musharrixiinta kuraastaas inay diyaar garoobaan.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu shaaciyay in 21 Bishaan Magaalada Muqdisho lagu qabanayo doorashada Shanta Kursi ee kala ah.

1: Hop#265 oo uu hadda ku fadhiyo lufti Shariif  Maxamed  Cumar.

2: Hop#266 oo ay ku fadhiso Biibi Khaliif Maxamed.

3: Hop#105 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyo Neylaani Nuur Iikar.

4: Hop#084 oo ay hadda ku fadhiso Fahma Axmed Nuur.

5: Hop#034 oo uu ku fadhiyo Khaalid Macoow Cabduqaadir.

Todobaadka soo aocda ayaa la filayaa in kuraasta ugu horreeysa ee Golaha Shacabka Beelaha Banaadiriga in lagu qabto Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.