Hargeysa (HM)-Gool-hayihii Gobalka Sool Yuusuf Lambaaza ayaa xalay waxaa la dhigay Cusbitaal ku yaala Magaalada Hargeysa kadib markii dhaawac culus kasoo gaadhay Ciyaar ay wada ciyaarayeen Xulka Daad-madheedh.
Yuusuf Laambaza oo kamid ahaa mid kamid ah Ciyaaryahanada ka socday Gobalka Sool ee laf-dhabarka u ahaa xulka Gobalka Sool ee ka qayb galaya Koobka ciyaaraha Gobalada Soomaliland ayaa aad loo hadal hayey maalmihii u dambeeyay kadib markii uu noqday mid kamid ah xidigaha ugu adag kulamo ay gobolka Sool iskaga hor yimadeen Garoonka Ciyaaraha Hargeysa.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Xidigan waxaa uu dhaawacu kasoo gaadhay Madaxa iyadoo markii uu ka baxay Garoonka uu galay koomo, dhaawaca waxaa u gaystay ciyaarhahan lagu magacaabo Carabo oo xulka Daad-madheedh uga ciyaarayey lambarka 9aad.
Ilaa hada Soomaliland may qaban ninka dhawaaca gaystay sidoo kalana ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay guddiga ciyaaraha iyo wasaaradda Soomaliland midna.