Muqdisho (HM)-Wasiirka Wasaarradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in ay joojin karaan internetka guud ahaan Soomaaliya saacad kasta haddii loo baahdo.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Wasiirka oo maanta Daah furay Imtixaanka Shahaadiga ayaa sheegay in maxkamada sare ee dalka u xukuntay codsi ay u direen oo ah in ay joojin karaan Internetka haddii uu soo baxo shaki la xiriira Imtixaannaadka socda.
“Wasaaradda waxay Maxkamada sare ee wadanka u qoratay arji ay ku codsaneyso Social media-yaha in la xakameeyo watqiga Imtixaanka hadii ay baahi timaado, waa hadey baahi timaado, Maxkamada xukunkaasi wey noo riday mahad haka gaadho maxkamada iyo Garyaqaanka Guud oo dowladda ku metelay dacwadaas” ayuu yiri Wasiir Goodax.
Wasiir Goodax ayaa horay u sheegay in guud ahaanba la joojin doono isticmaalka baraha bulshada marka ay furmaan Imtixaannaadka Shahaadiga, waxaana muuqata in wasiirku uu dib uga laabtay go’aankiisii hore ee ahaan uusan dalka ka jirin doonin wax Internet ah maalmaha lagu guda jiro qaadista Imtixaanka.
Dad badan ayaa markii horeba su’aal ka keenay awood ilaa xad ay dowladdu u leedahay in ay joojiso Internetka madaama ay gacanta ku hayaan shirkaddo madax-bannaan
31,500 Ardey oo wax ka barata Dugsiyada sare ee ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa maanta u fariisatay Imtixaanka dowladda oo fashilmay intii u dhexeysay 10-ka ilaa 13-ka bishan.