Site icon HORUFADHI MEDIA |

Goobo Ganacsi oo ay leeyihiin Muwaadiniin Somaliyeed oo la boobay…

Rabshado xoogan oo ay daba socdeen boob loo geystay Goobo Ganacsi oo leeyihiin ayaa habeenkii xalay ka dhacay deegaanka lagu magacaabo KwaNobuhle Township ee Gobolka Eastren Cape ee dalka koonfur Afrika.

Rabshadaha iyo boobka dhacay ayaa yimid kadib markii mid ka mid ah ganacsatada ajaaniibta ah ee kasoo jeeda dalka Itoobiya uu toogasho ku dilay mid ka mid ah dadka deegaankaas oo la sheegay inuu ahaa ganacsade, inkastoo aanan la sheegin sababta uu u dilay.

Laba qof kale oo u dashay dalka Itoobiya ayaa iyaguna kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan waxaa ay u geysteen dil toogasho, xili ay ku sugnaayeen goob Ganacsi ah oo ku lahaayeen deegaanka KwaNobuhle ee gobolka Eastern Cape.

Rabshadaha iyo boobka xalay ka dhacay deegaanka KwaNobuhle ee gobolka Eastern Cape ayaa lagu boobay ilaa 7 dukaan oo la sheegay in sadax ka mid ah lahayeen muwaadiniin Soomaaliyeed, halka afarta kalana ay lahayeen Itobiyaan, waxaana la sheegay boobka kadib in lagu gubay goobahii ganacsiga.

Dalka Koofur Afrika waxaa inta badan ka dhaca dilalka, dhaca iyo boobka lagu beegsado goobaha ganacsiga ee ay dalkaasi ku leeyihiin dadka ajaaniibta ah oo ay ugu horeyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Exit mobile version