WARARKA SOOMAALI

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo Maanta ansixiyey Heshiis ay ku jiraan 9 Dal

By xuseen waashitoon

January 26, 2023

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu maanta guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu ansixiyey iyo Magacaabista Taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo heshiiska aasaasidda Ciidamada Bariga Afrika.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladihii ugu danbeeyey ee amni iyo howlgallada dalka looga xoreynayo Al-shabaab, iyadoo toddobaadkan guulo waawayn ay ciidamada qalabka sida iyo bulshada deegaanku ka gaareen dagaalka.

Golaha waxa uu ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha oo u magacawday General Sulub Axmed Firin inuu noqdo Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Dhinaca kale waxaa Goluhu ansixiyay Heshiiska aasaasidda ciidamada heeganka ah ee Bariga Afrika oo ay ku jiraan sagaal waddan, oo kala ah Soomaaliya, Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Rwanda, Seychelles, Suudaan iyo Uganda.

Heshiiskan ayaa ujeedadiisu waxay tahay in la hirgeliyo hawlaha ilaalinta nabadda, ammaanka iyo xasilloonida gobolka.