WARARKA SOOMAALI

Golaha Wasiirada Somalia oo Go’aano culus kasoo saaray Amniga dalka

By xuseen waashitoon

September 22, 2022

Kulanka Golaha Wasiirrada ee maanta ayaa waxa ka soo baxay go’aamo dhaxalgal ah oo looga gol leeyahay in wax looga qabto xaaladaha amni ee dalka.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Hamza Abdi Barre ayaa waxa ka soo baxay go’aamadan soo socda.

1- Goluhu waxa uu soo jeediyay si loo xoojiyo kaalinta siyaasadda ee amniga qaranka in Golaha amniga qaranku yeesho kulamo aan caadi aheyn oo u gaar ah hagista howlgallada dalka looga xoreynayo Al-shabaab.

2- Waxa uu go’aamiyay in la dhiso Guddiga abaabulka iyo isku dubarridka howlaha dagaalka, oo ka koobnaanaayo, Ra’iisu Wasaaraha JFS, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Amniga, Wasiirka Awqaafta & Arrimha Diinta, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Dhallinyarada, Wasiirka Isgaarsiinta, Taliyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo ciddii kale ee uu Ra’iisul wasaaruhu u garto in aan looga maarmin hawshan.

3- Waxa uu go’aamiyay in barnaamijka ladagaallanka waxa loogu yeero fikirka xagjirka ah ee rabshadaha wata loo beddelo Hay’adda Qaran ee la dagaallanka ee rabshada wata.

4- Waxa uu go’aamiyay  qabashada shir qaran oo looga arrinsanaayo fidinta, dhiirigalinta iyo qarameynta kacdoonka bulshada ee ka dhanka ah waxa loogu yeero argagixisada oo ay garwadeen ka noqoneyso wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.

5- Waxa uu go’aamiyay In la hirgaliyo lana fuliyo sharciga ka hortagga lacag dhaqidda iyo la dagaalanka maalgalinta (AML/CFT), lana bartilmaameedsado oo la burburiyo shabadakadaha ugu xilsaaran maaliyadda; isla markaana la sameeyo liiska xayiraadaha & cunaqabateynta lana dhaqangaliyo.

6- Waxa uu go’aamiyay ansixinta ISITRAATIIJIYADDA GUUSHA EE DABARGOYNTA, si loo mideeyo cududda Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad,  Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, iyo Saaxiibada Soomaaliya.

7-Waxa uu go’aamiyay in wasaaradaha hoos ku taxan ay si degdeg ah u gutaan waajibaadka kaga aaddan dagaalka lagu xoreynaayo dalka.

1- Wasaaradda Arrimaha Gudaha:

2-Wasaaradda Gaashaandhigga:

3- Wasaaradda Amniga Gudaha:

4-Wasaaradda Awqaafta & Arrimaha Diinta:

5- Wasaaradda Caafimaadka:

6- Wasaaradda Korontada iyo Biyaha:

7- Wasaaradda haweenka iyo Xuquuqul Insaanka:

8- Wasaaradda Arrimaha dibadda:

9- Wasaaradda Maaliyadda:

10-Wasaardda Warfaafinta:

11-Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta:

12- Wasaaradda Dhalinyarada & Isboortiska:

13- Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada: