WARARKA SOOMAALI

Golaha Wasiirada XFS oo dib uga laabtay Go’aan ay ONLF ugu aqoonsadeen Argagixiso  

By xuseen waashitoon

January 23, 2022

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ku yeeshay kulanoodii todobaadlaha ah oo Shir guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka Golaha Wasiirka ayaa waxaa looga hadlay Arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xaaladda dalka, siyaasadda, amniga iyo dib uga laabasha Go’aan ay horey Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre u gaartay.

Golaha Wasiirrada ayaa ayaa ansixiyay in laga laabto go’aan uu horay u gaaray Golaha Xukuumadda Sanadkii 2017, kaas oo ururka ONLF u aqoonsaday urur agagixiso, ka dib dhiibistii Cabdikariin Muuse Qalbi dhagax oo loo gacan geliyay Itoobiya.

Golihii Wasiirada ee Xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa sanadkii 2017 u aqoonsaday ONLF inay tahay Urur Argagixiso ah, sidoo kalena sharci ka dhigtay go’aankii dhiibistii C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax.