WARARKA SOOMAALI

Golaha Wasiirada oo kulan ka yeeshay Dagaalka AS & Amniga Muqdisho oo xumaaday

By xuseen waashitoon

February 23, 2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo guddoomiyey Shirka Todobaadalaha ah ee Golaha Xukuumadda oo si qoto dheer looga hadlay xaaladda guud ee amniga dalka iyo guulihii ugu danbeeyey ee laga gaaray  dagaalka.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha warbixin ka siiyey howlgallada socda iyo goobihii ugu danbeeyey ee laga xoreeyey AS. Iyadoo Goluhu tacsi u direy ehellada dadkii ku dhintay weerarkii ay AS Muqdisho ka geysteen 21-kii bishan.

Sidoo kale, Guddiga Qaran ee Gurmadka Dhulgariirka Turkiga ayaa golaha warbixin ka siiyey howlaha gurmad ee Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay kaga qeyb-qaadanayaan Gurmadka walaalaha Turkiga ee masiibadu ay ku habsatay.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagay barnaamijka xasilinta deegaannada la xoreeyey, isticmaalka nidaamka guud ee dowliga ah ee hay’adaha caalamiga ah, barnaamijka deyn cafinta iyo xaaladda dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran xabsiyo ku yaalla dalka Niger.

Maalmo kahor ayey aheyd markii Al-shabaab weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday Guri lagu daaweynayey rag ka tirsan kooxda macwiisleyda oo ku dhaawacmay dagaalada Gobolka Hiiraan, weerarkaas  ayaana ka dhacay magaalada Muqdisho.