WARARKA SOOMAALI

Golaha Wasiirada oo kulan Deg-deg yeeshay & Sharci lagu ansixiyay

By xuseen waashitoon

November 19, 2023

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa lagu meelmariyey hindise sharciyeedka Dad-dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga ah.

Hindisaha-sharci ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ayaa muhiimad weyn u leh dib-u-dhiska iyo nidaaminta adeegyada dad-dhigista ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Shirka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka looga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo soo bandhigay halka uu marayo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah iyo howlgallada lagu xasillinayo dalka.

Sidoo kale, shirka golaha wasiirrada ayaa looga hadlay tallaabooyinka illaa iyo hadda la qaaday ee la xiriira gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen roobabka wata daadadka ee ka da’ay qeybo kamid ah gobollada dalka.