WARARKA SOOMAALI

Golaha Wasiirada Maamulka Puntland oo Maanta kulan ka leh xiisada Boocame

By xuseen waashitoon

August 06, 2022

Waxaa Maanta oo sabti ah lagu wadaa in Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Puntland ay kulan ku yeeshaan Xarunta Madaxtooyada Maamulka ee Magaalada Garoowe, Shirkaas oo qabsoomi lahaa maalintii khamiista ayaa baaqday.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo ay kamid yihiin Amniga guud ee deegaannada Maamulka Puntland, gurmadka Abaarta iyo shaqooyinka horyaalla Wasaaraddaha, waxaana shirka guddoominaya Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Shirka Golaha Wasiirada Puntland sidoo kale Maanta looga arrinsadan doono xiisadda maalmihii lasoo dhaafay ka soo cusboonaatay Gobolka Sool gaar ahaanna degmada Boocame.

Maalin ka hor wefdi ka socda Somaliland oo ay galbinayaan Ciidamo xooggan ayaa socdaal ku maray degmada Boocame iyo degaannada hoos yimaada halkaas oo lagu soo dhoweeyay, Puntland ayaa sheegtay inay Somaliland duullaan kusoo qaaday Boocame.

Si kastaba maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa waxaa marar kala duwan dhexmaray dagaalo khasaaro badana dhaliyey, iyagoona isku heysta deegaano ka tirsan Gobolka Sool oo labada dhinac ay kala maamulada Puntland iyo Somaliland.