WARARKA SOOMAALI

Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo ka shiray qorshe lagula dagaalamayo Al-shabaab

By xuseen waashitoon

February 13, 2022

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Golaha Xukuumada Maamulka Hirshabeelle.

Shirka Golaha Wasiirada ee maanta ayaa looga hadlay Arrimaha Amniga gaar ahaan xasilinta Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan iyo abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Wasiirka Amniga Gudaha ka dhageystay qorshaha sugan ee ammaanka looga shaqeynayo iyo howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee hay’adaha ammaanka qorsheeyeen.

Shirka Golaha Xukuumada ayaa sidoo kale looga hadlay abaaraha ka jira deegaanada Hirshabeelle, iyadoo Goluhu la wadaagay Madaxweynaha baaxada ay gaarsiisan tahay abaarta xiligaan ka jirta Gobolka Hiiraan, waxaana ay tilmaameen in deegaano badan ay ka jirto biyo la’aan daran.

Madaxweynaha ayaa Wasiirada Wasaaradaha Maaliyada, Dib u Heshiisinta, biyaha, Howlaha guud iyo shaqada iyo Arrimaha bulshada ka dhageystay Mashaariicda taagan xiligaan ee u baahan in deg deg loo fuliyo.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa sheegay inay xiligaan ay jirto abaar xoogan, deegaanada qaarna looga barakacay biyo la’aan, waxa uuna tilmaamay in deegaanada abaarta ka jirto la gaarsiin doono biyo dhaamin iyo gargaar deg deg ah.