Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Golaha Wasiirada Hirshabeelle kulan xasaasi ku yeeshay Magaalo ay xiisad ka jirto

Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) ayaa maanta shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Maamulka oo lagu qabtay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Shirkaan Golaha Wasiirada oo Kusimaha Madaxweynaha shir gudoominayay ayaa waxaa ka qeybgalay oo warbixinta xaaladaha Gobolka looga dhageystay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan, isagoo Warbixin siiyay Golaha.

Inta uu socday Shirka Golaha ayaa waxaa ayaa waxaa looga hadlay Arrimo ay kamid yihiin Amniga, xasilinta nabadgelyada Hirshabeelle iyo u diyaar garoowga Arrimaha Doorashooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

Sidoo kale Shirka ayaa waxaa looga arrinsaday Mashaariicyada horumarineed ee ka socda Hirshabeelle sida ka hortaga fatahaadaha iyo Mashaariicyada kale ee soo socda sidii loo maareyn lahaa oo qorshe mideysan looga yeelan lahaa.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Waa markii ugu horreysay ee Maanta Magaalada Baladweyne lagu qabtay Shirka Golaha Wasiirada Hirshabeelle, tan iyo markii Madaxweynaha Maamulkaas loo doortay Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, waxaana saakay halkaas ka dhacay dagaal khasaaro geystay oo Shirka looga horjeeday.

Exit mobile version