WARARKA SOOMAALI

Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka shiray dhammeystirka Doorashooyinka socda

By xuseen waashitoon

February 10, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay shir guddoomiyey kulan gaar ah Golaha Wadatashiga Qaranka ku yeesheen aalada foggaan arraga ee ZOOM-ka.

Kulanka Golaha Wadatashiga ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin dhammeystirka howlaha doorashooyinka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda, xaaladda amniga iyo sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka jira dalka.

Golaha Wadatashiga ayaa isla gartay dardar-gelinta howlaha doorashooyinka Golaha Shacabka, maadaama maalmo kooban ay ka harsan yihiin waqtigii lagu heshiiyay in lagu soo gaba-gabeeyo doorashada Golaha Shacabka oo aheyd 25-ka bishaan Febraayo.

Muddo 15 cisho ah ayaa ka harsan tahay mudada 40-ka cisho ee loo qabtay in lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka oo aan weli saddex meel labo meel aysan gaarin, illaa haddana la doortay illaa 110 Xildhibaa oo kaliya.