WARARKA SOOMAALI

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay sharci ay hore u ansixiyeen Golaha Shacabka

By xuseen waashitoon

February 22, 2023

Waxaa Maanta magaalada Muqdisho kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana kulankaas shir guddoomiyey Guddoome ku-xigeenka koowaad ee Golaha Cali Shacbaan.

Ajendaha kulanka Golaha ayaa waxaa uu aha ansixinta hindise sharciyeedka cusub ee hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA, kaasi oo ay horey u soo ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Golaha ayaa si aqlabiyad leh ku meel-mariyay Sharcigan oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka doodayeen Senataradu. dowlaha wasaaradda amniga gudaha, Maxamed Cali Xagaa oo ka qayb-galay kulanka ayaa Golaha uga mahadceliyay meel-marinta Sharcigaan.

“Maanta waa maalin weyn oo aan dhidibada u taagnay tiir kamid ah tiirarka ay ku dhisan tahay dowladnimada oo ah ansixinta Sharcigan oo ay ku dhismi dooto NISA,” ayuu yiri Maxamed Cali Xagaa oo ka hadlaayay kulankii Maanta.

Dhanka kale agaasimaha guud ee NISA, Mahad Maxamed Salaad ayaa qoraal uu soo saaray si weyn ugu mahadceliyay Golaha Aqalka Sare, isaga oo ku boggaadiyay tallaabada ay qaadeen.