Site icon HORUFADHI MEDIA |

DAAWO:-Golaha Ammaanka ee QM oo Maanta kulan ka leh Doorashada Somalia

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Maanta oo talaado ah waxaa kulan gaar ah ka yeelan doonaan xaaladda dalka Soomaaliya, sida uu shaaciyay xaafiiska Qaramada Midoobay ee Magaalada Muqdisho.

Golaha Ammaanka ayaa kulanka ay ka yeelanayaan dalka Soomaaliya uga hadli doona Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin doorashada dhaceysa oo weli aan heshiis laga gaarin iyo Arrimaha dhinaca Bani’aadamnimada.

Inta uu socdo kulanka Golaha Ammaanka ayaa waxaa warbixinno kooban kuna aadan xaaladda dalka jeedin doona Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan, isagoona ka Warbixin doona Arrimo dhowr ah.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA IYO WARBIXINYA

James Swan ayaa khudbadiisa diirada kusii saari doona dadaalada kala duwan ee socda kuna aadan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada iyo Shirka Madaxda Soomaalida uga socda Magaalada Muqdisho.

Exit mobile version