WARARKA SOOMAALI

Golaha Ammaanka ee QM oo dalab u diray Madaxda DF iyo M/Goboleedyada

By Xuseen Post

March 13, 2021

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku booriyay in ay qabato doorashada aan daah laheyn, si loo dardar geliyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Kulan Jimcihii shalay isugu yimaadeen Golaha ayay ku meel mariyeen in muddada loo kordhiyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM ilaa dhammaadka sanadka 2021.

Sidoo kale, Golaha Ammaanka ayaa waxay sheegeen in mas’uuliyadda amniga dalka AMISOM ay kala wareegi doonaan Cidanka xoogga dalka sanadka 2023.

Golaha ammaanka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay dhismaha ciidanka xoogga dalka iyo hey’adaha kale ee dowliga ah, iyagoona walaac ka muujiyay dib u dhaca ku yimid doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqay inay heshiis rasmi ah ka gaaran doorashooyinka dalka iyo khilaafka taagan.

Golaha ammaanka ayaa soo dhaweeyay horumarka Soomaaliya ka socda iyo wada shaqeynta ay la leeyihiin howlgalka Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM, balse waxay dareen ka muujiyeen khatarta amni ee ay wadaan Al-shabaab.