WARARKA SOOMAALI

Golaha Ammaanka ee QM oo kulan Deg-deg ah ka leh xaaladda Somalia

By xuseen waashitoon

September 07, 2022

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa ay kulan gaar ah ka yeelanayaan Xaaladda Soomaaliya, xili dalka ay ka jirto abaaro baahsan oo saameysay dadka kunool Gobolada dalka.

Kulanka oo looga arrinsanayo Xaaladda Soomaaliya ayaa waxaa warbixin looga dhagaysan doonaa Wakiillo kala duwan oo ka kala socda Qaramada Midoobay iyo Howlgalka ATMIS, sida lagu sheegay Qoraal uu soo saaray Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa warbixin ka siin doona kulanka Golaha Ammaanka, iyadoo dhinacyo dhowr ah lagu faaqidi doono warbixinta.

Sidoo kale waxaa kulankaasi qayb ka noqon doona, oo isna dhankiisa Warbixin laga dhageysan doonaa Madaxa Howlgalka ATMIS, iyadoo si toos ah loo daawan doono 5:00 galabnimo xilliga Muqdisho.