WARARKA SOOMAALI

Golaha Amaanka ee QM oo cunaqabateyn saaray xubno uu ku jiro Muuse Biixi

By xuseen waashitoon

February 23, 2023

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan gaar ah ka yeeshay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan dagaalka galay todobaadkii labaad ee ka socda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Kiki Gbeho ayaa marka hore kulanka Golaha Ammaanka looga dhageystay Warbixin la xiriirta xaaladda Soomaaliya, iyadoona ka warbixisay horumarka ay dowladda Federaalka ka gaartay dagaaladii ugu danbeeyay ee la gashay Al-shabaab.

“Dowladda DFS in kasta oo ay caqabado badan jireen, haddana waxay ka sameysay horumar la taaban karo… joogteeynta wadashaqeyn dhow oo ay la yeelatay dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka, guulo laga gaaray dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, iyo Soomaaliya oo weli ku socota wadadii lagu dhameystiri lahaa hannaanka deyn cafinta ee 2024.” ayey tiri  Kiki Gbeho.

“Horumarka ay samaysay DFS… waxa uu abuuray jawi wax ku ool ah si loo suurtageliyo horumar laga gaaro ku sii socoshada ajendaha dowlad-dhisidda. Udub-dhexaadka ajanduhu waa dhammeystirka geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka oo loo dhan yahay, la iskuna raacsanyahay,” ayey Kiki Gbeho u sheegtay Shirka Golaha Ammaanka.

Dhinaca kale Gollaha ammaanka ee QM ayaa markii Warbixin laga siiyay xasuuqa ay ciidanka Maamulka Somaliland ka geysteen magaalada Laascaanood, xayiraad socdaal iyo hub inaysan iibsan karinba ku soo rogay xubnaha ka danbeeyey xasuuqa Laascaanood.

Xubnaha ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay xayiraada saareen ayaa waxaa kamid ah,:

1-Mohamed Muse Bihi Abdi

2-Ahmed Muse Bihi Abdi

3-Mohamed Kahin Ahmed

4-Abdiqani Mohamoud Aateye

5-Nux Ismail Tani

6-Faysal Cabdi Botan

7- Cabdikarim Adan Xaji

8-Cali Barre Xuseen

9-Mohamed Adan Saqadhi

10-Yusuf Aden Nux