WARARKA SOOMAALI

Gen. Al-Burhan oo qaadacay Shirka IGAD iyo Gen. Hemetti oo shaki geliyey

By xuseen waashitoon

July 08, 2023

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha Dibedda ee dalka Sudan, Ambassador C/raxmaan Khaliil  ayaa sheegay inuusan Madaxa Golaha KMG ee haya talada dalkaasi, Jeneral C/Fataax Al-Burhan ka qeyb geli doonin  Shirka Ururka IGAD ee Isniinta soo socota ka furmi caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa.

Shirkaasi ayaa waxaa yeelan doona Guddiga Afarta dal ee IGAD ugu qaabilsan Xalinta Colaadaha ka aloosan dalka Sudan.

Guddiga IGAD ee u xil saaran Arrimaha dalka Sudan ayaa ka kala socda Dowladaha Jabuuti, Ethiopia,  Kenya iyo Suudaanta Koonfureed.

Xoghaynta Ururka IGAD ayaa waxay Shirkaasi ka furmi doona Addis Ababa ku casuumeen QM,  Midowga Afrika, Dowladaha Sacuudiga, Maraykanka, Madaxa Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan, Jeneral C/Fataax Al-Burhan iyo Taliyaha Ciiddanka Gurmadka Degdega ee RSF,  Maxamed Xamdaan Daglo “Hemetti”.

Dowladda Sudan ayaa  ka cuddur-daaratay Shirka Guddiga IGAD uga furmi doono Addis Ababa, iyagoo Cabasho Xoogan ka muujiyey Dowladda Kenya oo Madax ka ah Guddiga IGAD ugu qaabilsan Arrimaha dalka Sudan.