Laascaanood (HM)-Maamulka Gobolka Nugaal ayaa soo saaray amar ku saabsan in aan shir uusan ogeyn Maamulka lagu qaban karin Hotelada iyo Xarumaha Jaamacadaha, iyadoo aan fasax ama ogolaansho loo heysan.
Warqad ka soo baxday Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Nugaal oo ku taariilkheysneyd 6 bishan May ayaa waxaa la faray Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal in ciddii u hoggaansami weydo awaamiirtaas laga qaado tallaabo sharci ah.
Warqadan ayaa lagu soo beegay ka hor xilligii la qorsheynayay in magaalada Garowe ka dhacdo kulan ay soo qaban qaabisay Hey’ad maxali ah oo lagu martiqaaday Madaxweyne Farmaajo, kaasoo markii dambe la sheegay in la joojiyay.
Dhinaca kale Hey’addii qaban qaabineysay kulanka dadweyne ayaa raalli gelin ka bixisay dib u dhaca ku yimid kulankaas, waxaana sababta ay ku sheegtay inuu ahaa waqtiga oo aad ciriiri u ah.
Halkan hoose ka akhriso warqada:-