Site icon HORUFADHI MEDIA |

Gargaarkii ugu horeeyay oo ka socda Dowladda Qatar oo kusoo wajahan Muqdisho…

Gargaar caafimaad oo ka socda dalka Qatar ayaa maanta imaanaya magaalada Muqdisho, si ay qeyb uga noqdaan gurmadka caafimaad ee loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii ka dhacay Sabtidii magaalada Muqdisho.

Diyaarad Milateri oo Qatar leeyahay oo sida illaa 2 tan oo daawooyin ah, ayaa saaka ka soo dhoofay garoonka Milateriga ee Al-Cudeyd ee magaalada Dooxa.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qatar Cumar Idiris ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in diyaaradan sida gurmadka caafimaad ay Muqdisho ka degi doonto 12-ka duhurnimo ee maanta.

Waxaa uu sheegay in diyaaradan ay soo qaadi doonto dhaawacyada illaa 30 qof oo la geyn doono dalka Suudaan, isla markaana qarashka ku baxaya ay bixin doonto dowladda Qatar.

Diyaaradan oo ah nooca C17 ayaa waxaa la socda illaa 30 shaqaale caafimaad oo isugu jira kuwa qaabilsan badbaadinta deg dega iyo kalkaaliyaal, waxay leedahay illaa 36 sariirood oo ku xiran qalabka caafimaad sida Oksijiinka

Qatar ayaa noqoneysa dalkii 3aad ee gurmad caafimaad u soo dira Muqdisho, kaddib Turkiga iyo Jabuuti oo noqday dalalkii u horeeyay ee u soo gurmaday dadkii ku waxyeeloobay qaraxii 14-kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe.

 

Exit mobile version