HORUFADHI MEDIA |

Garabka Cabdi Xaashi oo caddeeyay mowqifkooda Habraacii Doorashada…

Garabka Siyaasiyiinta Somaliland ee uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in aysan raalli ka aheyn qaabka Golaha Wadatashiga Qaran u wajaheen doorashada Kuraasta labada Aqal ee Somaliland.

Qoraal ay soo saareen Garabka Cabdi Xaash ayaa waxaa marka hore lagu soo dhaweeyay in doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Somaliland la waafajiyey habraacyadii 2016 oo maamulkeeda loo daayay hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi.

Garabka Siyaasiyiinta Somaliland Cabdi Xaashi ayaa waxaa ay mar kale caddeeyeen in Guddiga doorashada Somaliland ee SEIT uu u kala qeybsan yahay labo guddoon, isla markaana aan weli la xalin khilaafka dhinacyada.

Waxaa ay sheegeen in aysan dhici doonin doorashada kuraasta Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Somaliland, iyada oo aan la xalin khilaafka, sidoo kalena aan la mideyn Guddoonka Guddiga doorashada Somaliland.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka

Exit mobile version