Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Muwaadin Soomaaliyeed oo habeenkii xalay aheyd lagu dhex dilay goob Ganacsi oo uu ku lahaa xaafad ka tirsan Magaalada Cape-Town ee dalka Koonfur Afrika.
Rag hubeysan oo burcad ayaa Muwaadinka markii horey gudaha ugu galay Goob Ganacsi oo ku lahaa halka loo yaqaano Danoon oo 21-KM u jirta xaafadda Bellville Cape- Town, iyagoona rasaas dhowr ah ku dhuftay Muwaadinka, sidaasina uu ku dhintay.
Marxuumka la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Aadan oo ku magic dheeraa Rasta, wuxuuna kamid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool dalka Koonfur Afrika, bale xalay toogasho ku dileen rag hubeysan oo baxsaday.
Cali Deeq Maxamed oo kamid ah Soomaalida gurmad ahaanta ugu baxday falkaas ayaa sheegay in Marxuumka kaligiis ahaa xiligii la dilayay, isla markaana markii dambe goobta tageen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika.
Sidoo kale Cali Deeq ayaa sheegay in raggii hubeysnaa ee burcada ahaa ay dhac baahsan u geysteen Dukaanka, isla markaana halkaas isaga tegay, waxaana intaas kadib goobta Ganacsi tegay Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Meydka qaaday.
Dilka Koonfur Afrika ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal loo geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee goobaha ganacsi ku leh dalkaas, iyadoona sanadkaan 2020 Koonfur Afrika lagu dilay Muwaadiniin dhowr ah oo Soomaali ahaa.