WARARKA SOOMAALI

Galmudug oo War kasoo saartay Shaqaale ay Afduubteen Rag hubeysan

By xuseen waashitoon

December 03, 2022

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa cambaareysay fal-afduub ah oo saacadihii kasoo dhaafay magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud loogu geystay xubno shaqaale ah oo ka  ka tirsan Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta Galmudug.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa waxaa lagu sheegay in falka afduubka ah ee lagula kacay shaqaalaha Wasaaradda uu yahay fal dambiyeed kasoo horjeeda dhammaan sharciga iyo nidaamka.

Waxaa Qoraalka  loogu mahadceliyay Suldan lagu magacaabo Ahmed Garbacune iyo Odayashaal uu hoggaaminayey, kuwaasi oo la tilmaamay inay ku gulaysteen in ay so dayaan shaqalihii shalay la afduubay oo ay afduubteen rag hubeysan oo maleeshiyaad ah.

“Maamulka Galmudug waxaa uu muhiimada kowaad sinayaa Dhismaha Dowladaha hoose ayado sanadkaan anu ku jirno ay dhismen ila iyo shan dagmo, Ugu danbeyn Galmudug Waxaay faraysa hay’adaha Amniga in Amniga Dagmada caabudwaaq gacan buuxda lagu qabto” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka.

Rag hubeysan oo maleeshiyaad ah, kana soo horjeeda doorashada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka Golaha deegaanka magaalada Caabudwaaq ayaa shalay afduubtay shaqaale ka tirsan Wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug, kuwaasi oo ugu danbeyn lasii daayey.