Wasiirka Warfaafinta ee Dowlad Goboleedka Galmug ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga dalka iyo daraawiita Galmudug ay ka horatageen weerar Al-Shabaab ay ku soo qaadeen fariisamo Ciidanka ay ku leeyahiin duleedka magalada Camaara.
Wasiir Axmad Shire Falagle oo la hadlay Radio Muqdisho, ayaa sheegay in weerar ku bilawday qaraxyo iyo dagaal toos ah ay Al-Shaabaab ku soo qaadeen fariisamo Ciidanka ay ku lahaayeen Camaara, isla markaana ciidamada ay ka hortegeen.
Khasaarahaha ka dhashay dagaal ayuu sheegay in ku dhawaad 60 dhimasho iyo dhaawac intaas ka badan la gaarsiiyay Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee soo wareeray Camaara, ayna jiraan dhawacyo kale oo ay kala carareen goobta, isagoo dhanka Dawladda tibaaxay inay weerarka ku shahiideen 5 qof.
Xaaladda deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug ayaa dagan ka dib markii Al-Shabaab ay jab xooggan kala kulmeen Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug oo isgarabsanaya, iyada oo ciidamadu ay wali wadaan howlgallada looga sifaynayo Al-Shabaab guud ahaan deegaannada Galmudug.
Dhinaca kale War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Amniga galmudug ayaa lagu shaaciyay in duqaymo dhanka hawada oo is xigxiga ay ciidamada huwantu dul istaageen maydadka argagixisada oo ka badan 60, ayagoo horey u sii qaatay tiro intaas aan ka yarayn.