WARARKA SOOMAALI

Gaari ay saarnaayeen Mas’uuliyiin iyo Wariyeyaal oo lagu Qarxiyey Hiiraan

By xuseen waashitoon

June 27, 2022

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax Khasaaro badan dhaliyay oo ka dhacay Gobolka Hiiraan, waxaana soo baxaya faah faahiino dheeeraad ah oo ku aaddan Qaraxaasi.

Qaraxa oo ahaa Miinada dhulka lagu aaso ayaa lala beegsaday Gaari Nooha ah oo ay la socdeen Wariyeyaal iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamul Goboleedka Hirshabeelle, waxaana soo gaaray Khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh

Gaariga la qarxiyay ayaa sheegay in uu qayb ka ahaa kolonyo Gawaari ah oo Ciidamada Maamulkaas iyo Weriyeyaal ka tirsan TV ga Hirsahbeelle ay la socdeen.

Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku geeriyootay oo uu ka mid yahay Darawalkii waday Gaariga la qarxiyay, waxaana ku dhaawacmay tiro intaa ka badan.

Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah labo Weriye oo ka howlgalayay TV ga maamulka Hirshabeelle, waxaana dhaawacyadii dadka waxyeeladu soo gaartay loo qaaday Magaalada Matabaan ee isla Gobolkaasi Hiiraan.